Malabkani sida idin muuqataba, waa malab Gaduud iyo Caddaan isku jira, waana “Malab duur” dabiici ah oo ay shinnidu ka samaysay kuwo kamid ah geedaha ugu wanaagsan dalkeena.
Shirkadda Malabka iyo Cuntada ee Dabiici waxa ay masuul buuxa ka tahay tayada malab kasta oo laga iibsado barteeda intarnetka ee www.dabiici.com. Si aan u xaqiijinno Tayada malabkeenna, sinnaba uma ogolin in lagu iibiyo goobaha caaamka ah sida dukaamada & Supermarket yada iyada oo aan ruqsad buuxda oo leh “Astaanta dabiici “ looga haysan shirkadeenna.
Malabkan Dabiici waa brand leh dammaanad buuxda oo sharci ah, haddii ay dhacdo in uu kusoo gaadho Malab aanan lahayn astaanta Dabiici ee webkeenna kaaga muuqata, Fadlan xaqiiji oo innagala soo xiriir web keenna & xiriirada kale oo aanu leennahay. Waxaa Muhiimadda 1aad inoo ah in aad hesho dalabkaaga sida ugu hufnaanta & howl-karnimada Badan.
Said Sabrie –
Malabka Dabiici waa malabkii u horreeyay ee aan si kalsooni ah u isticmaalo waa ku mahadsantihiin sida aad u dhowrteen Quality ga. Waxaan ka mid noqon doonaa Customer kiinna joogtada ah inta aad sidan u ilaalinaysaan Qaulity ga Malabka, insha ALLAAH.