Curashadii Dabiici iyo Sababtii ka dambeysay.

Dabiici Waa Brand soomaaliyeed, kana shaqeeya Cuntooyinka Dabiiciga ah, gaar ahaan Malabka iyo Saliidaha kala duwan, sida Zaytuunka iyo Macsarada, kuwaasi oo ah Boqolkiiba Boqol Dabiici.

Dabiici waxaa la’aas aasay 5/4/1446H kuna beegan 8/10/2024M walow ay qisadiisu wax badan ka horeysay Curashadiisa.

Dabiici waxa loo aas aasay in uu Baari u Noqdo Bulshada, kana ilaaliyo Qishka iyo Qayaanada.

Si aan macmiilkeena ugu qancino sheegashadeena ah, in Badeecadeenu tahay boqolkiiba Boqol dabiici, waxan go’aansanay in aan soo hubino badeeco kasta oo aan iibineyno kahor inta aynan soo bandhigin, Inagoo diyaar u ah, in aan idinla wadaagno sawiro muujinaya, dadaalka aan kamarno soo hubinta Badeecada.

Our story

SAHANKII MALABKA

Waxan shaki kurijin in malabku Caafimaad uleeyahay Aadanaha, waxaase adag  had iyo jeer in lahelo malab lagu kalsoonaan karo, si loo gaaro  daawada uu Rabi ku sheegay malabka.

Caalamiyan malabka waa maadada 3aad ee aadanuhu  qishka ku sameeyo, waxaana qatarta hubanti la’aanta ah la wadaaga, caanaha iyo saliida oo waxaa la sheegaa in kalabar malabka caalamku, yahay mid aan dabiici aheyn taqriiban

Sidaa darteed anigoo ka fakiraya baahideyda iyo tan bulsha, ee ku aadan helitaanka Cunto dabiici ah, gaar ahaan malabka oo aan aaminsanahay in uu kamid yahay daruuriyaadka, ayan go’aansaday in aan u sahantago duurka, seexdana geed hoostii, si aan indhaheyga ugu soo arko halka shinidu daaqdo iyo asalka malabka dabiici

Hadafka dabiici

Hadafkeena waa in tira badan oo kamid ah soomalida hesho malab madiici ah iyo saliid saafi ah inagoo ku dadaaleyna in aan ugu adeegno hab online ah si ay dal iyo dibadba uga soo dalban karaan adeegeena,

tiigsigeena

waxan tiigsaneynaa

Sidokale waxa kamid ah qorshayaasheena horumarinta wax soosaarka dabiiciga ah ee dalka, inagoo si gaar ah xooga usaareyna malabka iyo salid macsarta ama sisinta.

MAAMULKA

Abaal waasuge
maamule

Mahadsanid