Dabiici Honey
Dabiici waa astaan u taagan soo nooleynta tayada iyo sumcadda malabka saafiga ah ee dalkeena Soomaaliya. Waxaan u taagannahay inaan miis kasta oo Soomaaliyeed iyo jiko kasta oo hoteel gaarsiinno malab nadiif ah, kaas oo laga sifeeyay wixii wasakh iyo sonkor ah ee wax u dhimaya caafimaadka iyo dhadhanka dhabta ah.
Maxaa naga dhiga kuwa gaar ah?
-
Sifeyn Casri ah: Waxaanjecel nahay in aan kamid noqono sjirkadaha malabka u sifeysa nidaamka Multi-stage Filtration, kaas oo ka saaraya haraaga shinnida iyo xumbada, isagoo dhowraya nafaqada dabiiciga ah.
-
Dammaanad Suuban: Malabkayagu waa 100% Organig, waxaana si toos ah uga soo soo iibsanaa beeralayda shinnida ee gobollada Galgaduud Hiiraan iyo Bay iyo Bakool, annagoo hka iibsana dad thiqo ah oo lagu kalsoon yahay.
-
Adeeg xirfadeesan: Waxaan u adeegnaa qaar kamid ah hoteellada iyo maqaayadaha caanka ah ee dalka annagoo u diyaarinna malabka ku jra caagado sadax liter ah oo nafdiif ah sidokale waxan u ogolaanaa nidaam usaamaxaaya in ay dib kabixiyan lacagta.
Ballanqaadkeena:
“Kalsooni ku cab” ma ahan kaliya hal-ku-dhig, waa mas’uuliyad naga saaran in macmiil kastaa uu helo mid kamid ah malabka ugu nadiifsan uguna tayada sarreeya ee dalka ka soo baxa.
Hadafkeena:
“Hadafka Dabiici waa inaan noqonno isha kowaad ee malabka saafiga ah ee dalka, annagoo macaamiisheena iyo hoteellada casriga ah u keenayna malab heer caalami ah oo sifeysan. Waxaan u taagannahay dhowrista caafimaadka bulshada iyo inaan miis kasta oo Soomaaliyeed gaarsiinno malab dabiici ah oo lagu kalsoon yahay, laguna soo agaasimay hufnaan iyo nadaafad sare.”
Hiigsigeena
Inaan noqonno hormuudka baakadeynta malabka ee Soomaaliya, annagoo adeegsanayna qalab casri ah oo xaqiijinaya in malabku ku gaaro isagoo xiran (Sealed).
Tayo Joogto ah
Inaan kudadaalno in aan macaamiisheena siino malab mar walba isku tayo ah, sifeysan, oo ka madax-bannaan wax kasta oo wax u dhimaya dhadhanka iyo nafaqada dabiiciga ah.
Kalsooni-dhiska
Inaan meesha ka saarno shakiga macaamiisha ee malabka suuqa yaalla, annagoo dhiseyna xiriir ku salaysan hufnaan iyo “Kalsooni ku cab”.
