Dabiici malab, waxa ay shinnida ka sameysaa ubaxyo kala duwan sida Cadaadka , jiiqa, sarmaanka iyo quraca oo dhamaantood ah geed ubaxeedyo malabkoodu wacan yahay.
Malabka hada iidin muqdaahi waxa ay shinnidu ka sameysay taqriiban geedka looyaqaano Jiiqa gobalada qaarna looga yaqaano Fuulay, kaasoo inta badan kusoo baxo midabka gaduud xigeenka, waana malab culus oo aan dareere saaid ah aheyn, jiiqa waxa uu kamid yahay geed ubaxeedyada qiimaha badan oo ay shinida malabka kasameyso.
Malabkan waxa laga keenay dhul caraf iyo udgoon ku caan ah, oo loo yaqaano Caduun kaasoo ah baadiyaha fog ee gobalka hiiraan.
Ka dabiici ahaan, waxan damaanad buuxda ka qaadeenaa malab kasta oo aad ka soo dalbato websidkeena, kaasoo hadii uu ku qancin waayo aad xaq buuxa uleedahay in aad iska soo celiso, inagana aan lacagtaada kuu celino.
Hadafkeena waa diyaarinta malabka dabiiciga ah iyo usoo gudbinta bulshada inagoo rabna in aan meesha ka saarno qirshaka suuqa malabka iyo shakiga macaamiisha qaar insha Allah.
Sidaa darteed adigana gadaada “ Dabiici Malab Kalsooni Kucab.
Reviews
There are no reviews yet.