Dabiici malab, waxa ay shinnida ka sameysaa ubaxyo kala duwan sida Cadaadka , jiiqa, sarmaanka iyo quraca oo dhamaantood ah geed ubaxeedyo malabkoodu wacan yahay.
Malabka hada iidin muqdaahi waxa ay shinnidu ka sameysay taqriiban Cadaadka kaasoo inta badan kusoo baxo midabka cadaanka ah, hayeeshee waxa dhici karta in ay shinida la daaqday ubaxyo kale sida sarmaanka ama quraca, kuwaasi oo mararka qaar midabka malabka gaduud xigeen ka dhiga.
Malabkan waxa laga keenay dhul caraf iyo udgoon ku caan ah oo loo yaqaano Caduun kaasoo ah baadiyaha fog ee gobalka hiiraan.
Ka dabiici ahaan, waxan damaanad buuxda ka qaadeenaa malab kasta oo aad ka soo dalbato websidkeena, kaasoo hadii uu ku qancin waayo aad xaq buuxa uleedahay in aad iska soo celiso, inagana aan lacagtaada kuu celino.
Hadafkeena waa diyaarinta malabka dabiiciga ah iyo usoo gudbinta bulshada inagoo rabna in aan meesha ka saarno qirshaka suuqa malabka iyo shakiga macaamiisha qaar insha Allah.
Hubaal dadaalkeena kuma hungoobin, oo waxaa durbo nagu kalsoonaaday oo malabkeena laga isticmaalaa qaar kamid ah hotelada iyo maqaayadaha ugu caabsan dalka, sida: Karmel iyo jowhara kuwaasi oo ay fadhiistaan qaar kamid ah Hodanta iyo haldoorka soomaliyeed.
Sidaa darteed adigana gadaada “ Dabiici Malab Kalsooni Kucab.
Reviews
There are no reviews yet.