Kumaa nahay?

DABIICI

Kumaa nahay?

Dabiici, waa brand ka shaqeeya cuntooyinka dabiiciga ah, gaar ahaan Malabka iyo Saliidaha kala duwan, sida Zaytuunka iyo Macsarada.

Dabiici waxaa la’aas aasay Taqriiban 5/4/1446H kuna beegan 8/10/2024M iyadoo ay xaruntiisu tahay magaalada muqdisho.

Aaragtideena ganacsi:

Aragtida dabiici ayaa ah in dadka lagu dhiirigaliyo isticmaalka cuntada iyo cabitaanka dabiiciga ah,taasoo sare uqaadeysa caafimaadka bulshada.

Dabiici.com kaliya waxa lagu iibin doonaa wax yaabaha dabiiciga ah gaar ahaan malabka iyo saliidaha kala duwan.

Hadafka Dabiici:

Hadafkeena waa in tira badan oo kamid ah soomalida hesho malab madiici ah iyo saliid saafi ah inagoo ku dadaaleyna in aan ugu adeegno hab online ah si ay dal iyo dibadba uga soo dalban karaan adeegeena.

Sidokale waxa kamid ah qorshayaasheena horumarinta waxa soosaarka dabiiciga ah ee dalka, inagoo si gaar ah xooga usaareyna malabka iyo saliid macsarta ama sisinta.

Qiyamta ama Tiirarka dabiici:

Dhamaan badeecadeena in ay dabiici ahaato boqolkiiba boqol.

In miisaanka ama cabirka badeecada aan  nuqsaan ka ilaalino.

In aan ku dadaalno gaarsiinta badeecadeena muwaadin kasta dal iyo dibadba.

In aan damaanad qaadno tayada malabka Dabiici

Maxaa nagaga adan bulshada:

Dabiici waa shirkad soomaaliyeed, sidaa awgeed waxaa masuuliyad ka saaran tahay ka qayb qaadashada horumarka bulshada, taasoo aan kaga qayb qaadaneyno tayeynta caafimaad ee bulshada inagoo umareyna dhiiragalinta cuntada dabiiciga ah.

Dabiici waxa loo aas aasay in ay bulshada baari u noqoto, kana ilaaliso qishka iyo qayaanada, kuwaasi oo wax yeelo badan ugeesta bulshada.

Badeecadeena :

Xaaliyan dabiici waxa ay soo saartay nuucyo kala duwan ee malabka iyadoo aan ku raadjoogno soo gudbinta saliida saytuunka oo waxtar u leh bulshada.

Dhamaan macaamiisheen waxay nagala soo xiriiri karaan:

Whasup: +252613272670

Email: info@dabiici.com

    www.dabiici.com